Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka KMG oo ugu Baaqay al shabaab inay soo fariistaan Miiska Wada hadalka Hadii kalana...
21.Jan.2012.HOMEAND.Maxamed Amiin Xasan Cabdulaahi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dhalinyarada ku jirto Xarakada Al shabaab ay ugu Baaqayaan inay ku soo biiraan Dhanka Dowlada KMG Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa xusay in madasha siyaasiyiinta da'da yar oo uu kamid yahay ayuu sheegay in Dowladda KMG Soomaaliya ay ugu talo gashay dhalinyaradaasi Deeqo waxbarasho iyo caafimaadkooda sidaasi daradeedna ay kusoo biiraan dhanka Dowladda KMG sida uu hadalka u dhigay.
“Waxay Madasha mar kale ugu baaqeysaa dhallinyaradaas ay qaldeen kooxda Al-Shabaab oo dadka ku dhibaataynayey magaca diinta inay ka hakadaan oo waxyaabahaa ay faraha kula jiraan ay isku soo dhiibaan dowladda shacabkooda ay ka mid noqdaan, Dowladduna ay u fidin doonto Cafis ayuu yiri xildhibaan kaasi.
Xildhibaan Maxamed Amiin Xasan Cabdulaahi ayaa dhanka kale sheegay inay soo dhaweynayaan isbedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo guulaha ay gaareen Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed waxuuna sheegay inay sii wadaan Ciidamada Xooga Dalka Guulahaasi Taariikhiga ah.
Ugu dambeyntii hadalkan baaqa ah ee ka soo baxay Xildhibaan Maxamed Amiin Xasan Cabdulaahi ayaa waxa uu imaanayaa xilli Xarakada Al Shabaab iyo Dowladd KMG Dhalin yarada u dagaalanta aay Fikirado kala gadisan ay qabaan waxaana la ogaan Karin baaqaasi inay dhalinyarada u dagaalanta al shabaab ay qaadan doonaan.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale