HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Dowladda Uganda oo sheegtay inay ka warheshay Qaraxyo lala Damacsanaa Magaalada Kampalla Caasimadda Dalkeeda.

21.Jan.2012.HOMELAND.Ku xigeenka wasiirka difaaca Dowladda Uganda Jenaral Ivan coretta oo Warbaahinta Dalkaasi Ugandha la hadlayay Saakay ayaa sheegay inay

Isku dayayaan inay ka hortagayaan fal waliba oo ay al Shabaab isugu dayayaan inay weeraro iyo qaraxyo kaga gaystaan gudaha dalkaasi Ugandha.

Ivan coretta Jenaral oo ah wasiir ku xigeenka Difaaca Dowladda Ugandha ayaa tibaaxay si looga hortago werarada iyo falalka isqarxinta in gobolka ay isku kaashaadaan dhinac Sidroonka lagana shaqeeyo ka hortagga dhibaatooyinka ay abaabulaan Al Shabaab.

Waxaan ka warhelnay Qaraxyo lala damacsanaa Magaalada Kampalla ay fulin rabeen rag ka tirsan al shabaab waxaana ka hortagay ciidamada nabad sugidda Dowladdeena sidaa waxaa yiri Ku xigeenka wasiirka Difaaca dowladda ugandha Ivan coretta.

Ugu dambeyntii ku xigeenka wasiirka difaaca Dowladda Uganda ayaa sheegay in Al Shabaab ay ka dambeeyeen weeraradii dadka badan ay ku geriyodeen ee lagu qaday dalka Uganda sanadkii 2010 ka kaasi oo lala beegsaday goob ciyaar fiinaal aheyd oo ay ka daawanayeen dad badan oo shacab ah meel maqaayad ku taalay magaalada Kampalla.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.