HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Sarkaal ka tirsan Al shabaab oo sheegay inay Xeelad Dagaal kaga baxeen Goobihii shalay laga saaray.

21.Jan.2012.HOMELAND.Sheekh C.casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka Dhanka Howlgalada Ciidamada Xarakada al shabaab oo la hadlayay Warbaahinta ku hadashay afka al shabaab ayaa sheegay in Ciidamada Xarkada al shabaab ay si xeeladeysan uga baxeen goobihii shalay dagaalka uu ku qabsaday isla markaana ay dhawaan ku laaban doonaan.

Afhayeenka dhanka Militariga Ciidamada al shabaab ayaa sheegay inaysan aheyn wax lala yaabo in al shabaab laga qabsado goob dagaal balse ay dhici karto Ciidan walba ee dagaal ku jira goob laga qabsado balse wuxuu ku han jabay inay dhawaan la wareegi doonaan Goobahaasi shalay laga saaray.

Dhanka kale ayuu sheegay afhayeenka dhanka Howlgada Ciidamada Xarakada alshabaab Sheekh C.casiis Abuu Muscab inay ka dileen Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM Askar dhowr ah oo aan la soo koobi Karin wuxuuna intaa ku daray inay dhawaan ku jabi doonaan Ciidamada AMISOM sidii dagaalkii dayniile.

Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa maalintii shalay dagaal culus kaga saaray Ciidamada Xarkada al shabaab fariisimo dhowr ah oo ay ku lahaayeen agagaarka Xaafadda Qabuuraha Barakaat iyo Jaamacadii hore ee Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee afhayeenka ayaa gabagabadii ugu baaqay umadda Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan adgaalka ay kula jiraan cadowga alle sida uu hadalka u dhigay isla markaana ay hurdada ka kacaan dhamaan Shacabka reer Muqdisho.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.