HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Xaaladda Goobihii Shalay Dagaalka uu ka Dhacay ee Magaalada Muqdisho oo Saakay Degan.

21.Jan.2012.HOMELAND.Waxaa saakay dagan xaaladda Goobihii Maalintii shalay uu dagaal culus ku dhex maray Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Ciidamada Xarakada al shabaab oo laga saaray goobahaasi.

Kadib dagaal faraha looga gubtay oo Maalintii shalay oo dhan ka dhacayay Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Qabuuraha Barakaat iyo Jaamacadii hore ee Muqdisho ayaa waxaa u suurta gashay Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM inay la wareegaan Gacan ku heynta Goobahaasi.

Xaalada ayaa saakay ah mid aad u xasiloon waloow marka laga reebo rasaas goos goos ah oo marar qaar ay ka soo ridayaan Ciidamada Xarkada al shabaab meel sheed ka ah Goobihii shalay dagaalka looga saaray.

Ciidamada Dolwadda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa durba qotay godad badan oo ay kaga gaashaamanayaan in weeraro gaadmo ah ay kaga timaado dhanka Ciidamada Al shabaab waxaanan jirin saakay isku socod ka jira goobahaasi shalay gacantooda ka baxday al shabaab.

Si kasta oo ay ahaato Masuul ka tirsan al shabaab ayaa sheegay in xeelad dagaal ay kaga baxeen Goobihii shalay dagaalka looga saaray waxuuna xusay in Maalmaha soo socda ay gacan ku heynta dhankooda ahaan doonto sida uu hadalka u dhigay.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.