Shabaabka oo ka hadlay duqeyntii shalay ka dhacay deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho.
22.Jan.2012.HOMELAND.Xarkada Alshabaab ee xiligani wajahaya dagaalo culus oo kaga imaanaya Ciidamada huwanta ah iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyn maalintii shalay gelinkii danbe diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geysteen deegaanada loo barakacay ee duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Siinka Dheer, Garasbaalay, KM 13 iyo meelo kale.
Afhayeenka Xarakada alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo xalay shir jaraa’id u qabtay bahda warbaahinta ayaa xaqiijiyey duqeyntaasi lagu dilay Sarkaal sare oo Al-qaacidada ka mid ah kaasoo lagu magacaabi jiray Bilaal Al-Barjaawi.
Sheekh Cali Dheere waxa uu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay Bilaal Al-Barjaawi oo u dhashay dalka Lubnaan, hase yeeshee heysa dhalashada dalka Ingiriiska oo uu in muddo ah ku noolaa.
Afhayeenka Xarakada alshabaab Sheekh Cali Dheere oo ay ka muuqatay caro xoog leh waxa uu sheegay in duqeyntaasi fulisay diyaarad aan duuliye lahayn, taasoo kaga shakinayaan in ay leeyihiin dowladdaha Mareykanka iyo Faransiiska, kana soo kacday Xeebaha Magaalada Muqdisho.
“Al-Bardaawi waxa uu ahaa saraakiisha ajaaniba shabaab ka bar bar dagaalanta, waxa uuna kaalin fir fircoon ku lahaa dagaalada Muqdisho mujaahidiinta kula galeen Cadowga ku soo duulay Soomaaliya, gaari uu saarnaa ayaa lala bartilmaameedsaday Gantaalo cul culus” ayuu yiri Afhayeenka Xarakada alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo si dheer uga hadlay duqeyntii shalay ka dhacday qeybo fara badan oo ka mid ah deegaanada loo barakacay ee duleedka Magaalada Muqdisho.
“Mujaahidiinta caalamka iyo kuwa Soomaaliya waxaan uga tacsiyeynaynaa geeriridii ku timid walaalkood Bilaal Al-barjaawe, waxaan idiin sheegayaa in Bilaal uu helay wixii uu muddo badan raadinayey, isla markaasna uu u yimid dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaan idiin sheegayaa inay dishay gacan ka xaq-daran oo gaalo ah, Bilaal Al-barjaawe waxa uuna dagaalamayey tan iyo Midowgii Maxkamadah Islaamka” ayuu yiri Sheekh Cali dheere.
Sidoo kale Sheekh Cali Dheer Afhayeenka Xarakada Alshabaab waxa uu ka tacsiyeeyey geerida ku timid Bilaal Al-barjaawe oo uu sheegay inuu shahiiday, wuxuuna intaasi ku daray in Jihaadka iyo dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya uusan ku istaagi doonin hogaamiye sare oo laga dilo Xarakada Al-shabaab iyo Al-qaacida, isagoo sheegay inay ku sii abuureyso oo keliya geerida Bilaal Al-barjaawe dhiiragelin inay ka helaan, ayna sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.
Ugu danbeyntii Sanadkii tagay ayay ahayd markii mid ka mid ah Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya Koontaroolka Ex Koontarool Afgooye ku dilay Fazuul Cabdalla oo ka mid ahaa Saraakiisha Sar sare ee Alshabaab kaasoo ay si weyn u baadi goobayeen dowladda Mareykanka.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale