Dagaalo qaraar oo xalay ruxay Magaalada Buuhoodle ee gobolka Sool.
22.Jan.2012.HOMELAND.Wararka saakay naga soo gaaraya Magaalada Buuhoodle ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay halkaasi dagaal qaraar ku dhex maray Ciidamada Maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka oo muddooyinkii dambe uu dagaalo ku dhexmarayay deegaanadaasi.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in xalay dagaal culus ku dhex maray duleedka Magaaladaasi laba Ciidan oo sahan ahaa kuwaasoo kala taabacsan maamulka Somaliland iyo Ciidamada dadka deegaanka Buuhoodle oo kacdoon ay kaga soo horjeedaan Somaliland ka wada halkaasi.
Inta la ogyahay dagaalkaasi oo ahaa mid xoogan waxaa ku dhintay 7 ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamay, tiro intaasi ka sii badana way ku dhaawacmeen, sida ay noo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Magaalada Buuhoodle ee gobolka Sool.
Ugu danbeyntii wararkii ugu danbeeyey ee aagaga dagaalkaasi ayaa sheegaya in si iskiis ah dagaalka u istaagay, hase yeeshee saakay la dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay samaynayaan Ciidamada Maamulka Somaliland iyo kuwa deegaanka.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale