Dowladda KMG oo soo dhawaysay dilkii Bilaal Al-Barjaawi.
22.Jan.2012.HOMELAND.Afhayeenka xukuumadda KMG ee Soomaaliya Inj: C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan duqeyntii shalay ka dhacday duleedka Magaalada Muqdisho ee lagu dilay Bilaal Al-Bardaawi oo ka mid ahaa Hogaamiyayaasha sar sare ee Xarakada Alshabaab.
Waxa uu sheegay Afhayeenku in ay taasi tahay mid guul ah oo u soo hoyatay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida uu yiri dilka duqeynta ah ee loo geystay Bilaal Al-bardaawi.
Dowladda KMG Soomaaliya sidoo kale waxay sheegtay in la sii wadi doono duqeymaha bartilmaameedka ah ee lagu ugaarsanayo Saraakiisha iyo hogaamiyayaasha Xarakada Alshabaab iyo kuwa Al-qaacida ka tirsan ee Soomaaliya ku sugan sida uu yiri.
Si kasta oo ay ahaataba sanadkii tagay ayey ahayd markii Askar ka tirsanayd ciidamada dowladda KMG ee ku sugan Isgoyska Ex: Kontarool Afgooye waxa ay dil ugu geysteen Fazuul Cabdalla oo ahaa nin uu Mareykanku si aad ah u baadi goobayey, isla markaasna lala xiriirinayey inuu ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay safaaradihii ku yaalay dalka Tanzania, waxaana gobolo badan oo ka mid ah Soomaaliya lagu dilay duqeymo nuucaani oo kale ah niman cadaan ah uu ka garab dagaalamayey Xarakada Al Shabaab, isla markaasna xiriir la leh Al-qaacidda, iyadoo Bilaal Al-bardaawi horay uga bad baaday duqeyn ka dhacday gobolada Jubooyinka taasoo la doonayay in lagu dilo.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale