Deegaanadii horay loogu barakacay oo saakay laga sii barakacayo kadib markii….
22.Jan.2012.HOMELAND.Deegaanada loo barakacay ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa saakay halkaasi waxaa ka soconaya barakac aan caadi ahayn, kadib markii maalintii shalay dhowr meel oo ka mid ah deegaanadaasi ku dhaceen gantaalo waa wayn oo qaarkood lagu dilay Saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Xarakada Alshabaab, kaasoo uu ka mid ahaa Bilaal Al-bardaawi.
Deegaanada Siinka Dheer, Garasbaalay, KM 13, Ceelasha Biyaha, Xaawo Cabdi, Lafoole, Carbiska iyo meelo kale oo ka mid ah deegaanadii horay loogu barakacay waxaa ka soconaya barakac ay samaynayaan rayidka ku nool halkaasi, kuwaasoo ka cabsi qaba in ay saamayn ku yeeshaan duqeymo kale oo halkaasi ka dhaca.
Dadka deegaanadasi ayaa xaqiijiyey saakay barakac midkii ugu xooganaa inuu halkaasi ka socdo, kaasoo saamayn culus ku yeeshay howlaha ganacsiga suuqyada deegaanada loo barakacay ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Mid ka mid ah dadka deegaanka Xaafada Al-xayaat ayaa noo sheegay dareenkiisa ku aadan barakaca ay samaynayaan waxa uuna yiri.
“Dareenka dadka deegaanka waa mid laba kaclaynaya, waayo gantaaladii shalay ku soo dhacay meelo badan oo Siinka dheer ka mid ahayd, waxay dadku ku abuurtay xaalad cabsi ah, waqti kasta waxaa la filan karaa in ay duqeymo dhacaan, waayo bartilmaameedka diyaaradaha waa saldhigyada iyo meelaha shabaabku ku badan yahay, shacabkana way dhinacyo dagan yihiin” ayuu yiri ruuxaasi oo diiday in la soo xigto magaciisa.
Si kasta oo ay ahaato barakaca ka soconaya deegaanada loo barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili dhawaan Taliska AMISOM ee muqdisho ku dhawaaqay in ay soo afjareen dagaaladii Muqdisho, haatana u talaabayaan gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe oo ka baxsan magaalada Muqdisho.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale