Dowladda Mareykanka oo baaritaan ku samaynayso muwaadin u dhashay dalkeeda oo lagu Afduubtay Magaalada Gaalkacyo.
22.Jan.2012.HOMELAND.Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in ay baaritaano culus ku samaynayaan muwaadin u dhashay dalkeeda oo maalintii shalay kooxo dabley ah ku afduubteen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Joannne Moore oo ah sarkaal ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada dalka Mareykanka ayaa sheegay in wasaaradaasi ay baaritaan xoogan ku samaynayso qaabka uu u dhacay Afduubka loo geystay wariye u dhashay dalkaasi.
Sidoo kale Afhayeenadu waxay sheegtay in aysan si rasmi ah u helin magaca Ninka lagu afduubtay magaalada Gaalkacyo, hase yeeshee ay wadaan baaritaano xoogan oo la xariirta qaabka uu u dhacay afduubka.
Hadalkan ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada dalka Mareykanka ayaa imanaaya xili maalintii shalay kooxo dabley ahi nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ka Afduubteen nin la sheegay inuu Ahaa Suxufi u dhashay Dalka Mareykanka, kaasoo hadda la sheegayo in ay soo furteen maamulka Galmudug.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale