Mid ka mid ah Askarta dowladda KMG oo dil lagu fuliyey.
23.Jan.2012.HOMELAND.Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa saakay waabarigii hore waxa ay xukun dil ah ku fulisay Mid ka mid ah Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo horay u dilay Askari kale oo ka tirsanaa ciidanka Nabad Sugida Dowladda KMG ee Soomaaliya.
Askariga saakay la toogtay waxaa ayaa maciisa lagu sheegay Maxamad Cali Ciise, waxaana lagu toogtay Dugsiga Gen: Kaahiye ee Magaalaad Muqdisho, iyadoo kumanaan dadweyne ah ka soo qeyb galeen daawashada Toogashada Askarigaasi.
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida Dowladda KMG Soomaaliya Muungaab ayaa sheegay in ay hayaan Askar kale oo aad u fara badan kuwaasoo ku xukuman dilal, kadib markii ay dileen Askar iyo dad shacab ah, askariga saakay la toogtayna horay ugu xukunaa dilka, hase yeeshee saakay xukunkiisa la fuliyey.
Askariga dilka lagu fuliyey saakay waxaa loo heystay dil uu u geystay Askari lagu magacaabi jiray C/laahi Cali Colaad kaasoo ku dilay degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho waxa uuna ka mid ahaa Ciidamada Nabad Sugida Dowladda KMG Soomaaliya.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale