HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Kullan xasaasi ah oo ay yeesheen Hogaanka Alshabaab oo Natiijo la’aan ku dhammaaday.

23.Jan.2012.HOMELAND.Ururka Al-Shabaab oo xilligaan u muuqda in ay awoodooda wiiqmeysa ayaa gelinkii danbe ee shalay kulan xasaasi ah ku qaatay duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Gobolka Shabellaha Hoose.

Kulankaan ayaa waxaa isugu yimid hogaanka ugu sareesa Kooxda Al-Shabaab oo ay ku jireen ragga Ajaaniibta ee ka bar bar dagaalanta Al-Shabaab, kuwasi oo la sheegay in ay ka caresnaayeen dilka loo geystay Hogaamiye sare oo ka tirsanaa Ururka Al-Qaacida.

Fadhiga oo ahaa mid aan loo ogaleen mas,uuliyiinta hoose ee xoogaga Al-Shabaab, ayaa waxaa lagu gurfeeyay dilkii loo geystay Bilaal Al-Barjaawi, oo ahaa Sarkaal qaabilsanaa isku xerida Ururka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.

Hogaanka sare ee Al-Shabaab ayaa u muuqda kuwo xilligaan khilaafkii ugu xooganaa soo kala dhex galay bacdamaa dilkaasi lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen rag ka tirsan Mas,uuliyiinta Al-Shabaab.

Inkastoo aan si cad loo shaacin ragga ka danbeeyay dilkii loo geystay Bilaal Al-Barjaawi, oo maalmo ka hor ee diyaarado dagaal ku dileen asigoo ku sugan duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaa Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa hadana waxaa la sheegayaa in ay maleegeen koox aan ku fikir aheyn Hogaamiyaha ugu sareeya Ururka Al-Shabaab Axmed Godane.

Shirka ay isugu yimaadeen Xubnaha sar sare ee kooxda Al-Shabaab ayaa markii danbe waxaa ka dhashay buuq sababi gaaray in ay Hogaanka Al-Shabaab gacan ka hadal isugu tagaan.

Waxaa la xaqiijiyay in kulanka inta uu socday ay isaga baxeen saraakiil uu hogaaminaayay Afhayeenka Guud ee Xoogaga Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage [Cali Dheere] oo iyagu ka carooday in dilkaasi ay ka danbeeyeen koox ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Bilaal Al-Barjaawi oo ahaa hogaamiye ka tirsanaa Ururka Al-Qaacida, isla markaana ka bar bar dagaalamayay Kooxda Al-Shabaab, ayaa u dhashay dalka Lubnaan, asigoona la sheegay in uu heystay dhalasho dalka Ingiriiska.

Hogaamiyahaan ayaa gacan weyn ku lahaa dagaalka Ururka Al-Shabaab ay kula jiraan Dowlada KMG, AMISOM, iyo Ciidamada kale ee dhawaan kusoo biiray dagaalka, iyadoona dilkiisa lagu sheegay shirqool loo maleegay Ururka.

Khilaafkaan muuqda ee soo kala dhex galay Ururka Ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii u danbeeyay Kooxda Al-Shabaab awoodooda Millitary ey sii bur bureeso isla markaana lagala wareegaayo goobihii ugu muhiimsanaa ee ku sugnaayeen.

Lama oga halka uu ku danbeyn doono khilaafkaan, balse dad badan ayaa qaba in Ururka Al-Shabaab ay ku jiraan saraakiil sar sare oo aan raali ka aheyn waxa dhacaya, kuwaasi oo lagu tuhmayo dilka saraakiisha sar sare ee kooxda Al-Shabaab u geysanayaan diyaaradaha wax basaasa.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.