Wararkii ugu danbeeyey Isku shaandheyn la doonayo in lagu sameeyo Golaha Wasiirada.
23.Jan.2012.HOMELAND.Wararka laga helayo xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in todobaadyada soo socda lagu sameyn doono Golaha wasiirada dowladda KMG isku shaandheyn, kuwaas oo la sheegay in qaar ka mid ah wasaaradaha la isku bedelayo qaar kalena ayba weyn doonaan boosaskooda, sidoo kalena lagu soo biirin doono qaar cusub.
Sida warku sheegayo wasiirada ugu waa weyn dowladda KMG ayaa laga yaabaa in labo ka mid ah ragga haya ay waayaan xilalkooda, amaba laga bedelo wasaaradaha ay hayaan xilalkooda, iyadoo dhinaca kale la sheegayo in wejiyo cusub lagu soo biirin doono Golaha wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya.
Si rasmi ah looma faahfaahin sababta ka dambeysa isku shaandheyntan lagu sameynayo Golaha wasiirada cusub ee Xukuumadda Ra’isul wasaare Gaas, waxayse wararka qaar sheegayaan inay sabab u tahay ibedel la sheegay in lagu sameyno dowladda KMG iyo dardargelinta qorshaha Road Map-ka iyo arrimo kale.
Isku shaandheyntan oo dhowr hore baaqatay ayaa haddii ay dhacdo waxay noqoneysaa tii ugu horeysay ee uu ku dhaqaaqo Ra’isul wasaare Gaas, iyadoo dhinaca kale la sheegayo in lagula taliyey Ra’isul wasaaraha inaanu xilligan isku shaandheyn sameyn, sababo lagu sheegay qeybsiga wasiirada oo caqabad ku keeni kara awood qeybsiga beelaha oo marwalba muran badan ka dhasho.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale