Faahfaahin dheer oo ku saabsan dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
23.Jan.2012.HOMELAND.Wararka saakay naga soo gaaraya deegaanada gobolada Jubooyinka iyo gedo ayaa sheegaya in halkaasi xalay dagaalo culus ku dhex mareen Ciidamada Xarakada Alshabaab iyo kuwa Dowladda KMG Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada dalka Kenya.
Sida wararku sheegayaan dagaalo ka dhacay deegaanka ku dhow Taabta ayaa shegaya in ay ku dhinteen 12 ruux 25 ku dhawaadna dhaawacyo culus soo gaareen kuwaasoo ah dhinacyadii dagaalamay.
Cabsi aad u xoogan ayaa soo wajahday dadka shacabka ah ee ku dhow deegaankii xalay dagaaladu ka dhaceen waxayna sheegayaan in saakay dhaqdhaqaaqyo ciidan ay samaynayaan dhinacyadii dagaalamay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xalay deegaankii lagu dagaalamay laga saaray Ciidamada Xarakada alshabaab oo markii hore duulaan ku soo qaaday halkaasi.
Dhanka kale dagaal culus ayaa xalay ciidamada Alshabaab iyo kuwa dowladda KMG soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ku dhex maray deegaan ka tirsan gobolka Gedo, waxaana dagaalkaasi ka dhashay qasaare fara badan.
Sarkaal u hadlay kooxda Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalkaasi isagoo tilmaamay in ay dhawaan la wareegi doonaan magaalooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo meelo kale oo gobolka ka mid ah sida uu yiri.
Ugu danbeyntii dagaalada ka socda gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa ah kuwo aad u xoogan oo saameeyey dadka ku nool gobolkaasi.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale