Qaramada Midoobey oo Xafiisyadeeda maantay si rasmi ah uga furtay Muqdisho.
24.Jan.2012.HOMELAND.Waxaa maantay Magaalada Muqdisho Caasimada Somaaliya si rasmi ah looga furay Xafiisyada Siyaasada Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya UNPOS, iyadoona magaalada uu soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Mahiga.
Xafiiska Qaramada Midoobey oo in ka badan 18 sano aanu ka howlgalin caasimada Magaalada Muqdisho ayaa maantay si rasmi ah loo furay, iyadoo munaasabada furitaanka ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda KMG Soomaaliya.
Qaramada Midoobey ayaa u dooratay xarunta Xalane in laga furo Xafiiskooda Muqdisho maadaama halkaasi ay sugayaan Amaankeeda Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Muqdisho.
Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay aragtidiisa ku aadan furitaanka Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan, isagoo ugu baaqay Hay’adaha kale ee Caalamiga ah in ay u soo guuraan Magaalada Muqdisho.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale