HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xarunta Gobolka Magaalada Balad-weyne.

24.Jan.2012.HOMELAND.Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan  ayaa sheegaya in saakay qarax aad xoogan lagu weeraray Xarunta gobolka, taasoo uu fuliyey ruux Naftiisa Miidaamiyey.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay ruuxaasi qaraxa u adeegsaday gaari laga buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaasoo gudaha u galay Dhismaha Xarunta gobolka, lamana xaqiijin karo qasaaraha ka dhashay weerarkaasi ismiidaaminta ah.

Qaraxa kadib Ciidamada Itoobiya ee qaraxa lagu weeraray ayaa isku gadaamay halka qaraxa uu ka dhacay, waxayna dadka iyo Suxufiyintuba u diideen in ay goobtaaasi gaaraan.

Mas’uul u hadlay maamulkii Alshabaab ee isaga baxay Magaalada Balad-weyne ayaa sheegay in ay dhankooda ka danbeeyaan weerarkaasi, isla markaana qasare culus garsiiyeen Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Hiiraan.

Si kasta oo ay ahaato qaraxani Ismiidaaminta ah ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ka dhaca Magaalada Balad-weyne ee Xarunta gobolka Hiiraan tan iyo markii halkaasi la wareegeen Ciidamada Itoobiya.

 

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.