Madaxweyne Shariif oo ka codsaday shariif Sakiin inuu xilka iska dhiibo.
2.Jan.2912.HOMELAND.Kullan xasaasi ah oo habeenimadii xalay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo ah halka looga taliyo Dowladda KMG Soomaaliya ku yeesheen labada Shariif ayay kaga hadleen Xaalada cakiran ee khilaafka Baarlamanka KMG Soomaaliya.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lagu naaneeso (Shariif Sakiin) dalab kaga yimid Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay inuu xilka iska dhiibo shariif sakiina u ogoladay in xilka iska dhiibi doono maalmaha soo socda, maadaama mudanayaasha xilka ka qaaday ay ku adkeysteen In uusan mar kale Shir guddoon u noqon doonin Guddoomiyihii hore.
Ilaha warkani ayaa sheegaya Shariif Sakiin balan qaadyo kala duwan ka helay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mahiga, Madaxweyne Shariif oo ay saaxiibo isku dhow yihiin, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya iyo madax kale, waxaana loo ogolaaday in isagu uu soo xuli doono Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle uga midka noqon doona Baarlamanka Soomaaliya marka lagu sameeyo tiro yarida.
Dadka daraaseeya arrimaha Siyaasada Soomaaliya ayaa qaba in haddii Shariif Xasan Sheekh Aadan ogolaado in uu xilka isaga dago si meesha looga saaro khilaafba Baarlamanka xal loo heli doono.
Ugu danbeyntii Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa soo wajahay xaalado kala duwan oo saameeyey in uu ku sii adkeysto sii ahaanshiyaha Guddoomiyaha Baarlamanka KMG ee Soomaaliya.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale