Duqeymaha Cirka ee ka dhanka ah Saraakiisha Al-shabaab ma soo dadajin kartaa inay wiiqanto Awooda guud ee ururkaasi (Warbixin).
24.Jan.2012.HOMELAND.Tan iyo wixii ka danbeeyey markii Ciidamada Alshabaab laga saaray caasimada Magaalada Muqdisho intii badnayd, waxaa soo badanayay warar kala duwan kuwaasi oo sheegaya in awoodii Xarakada alshabaab ee Ciidan, Dhaqaale, Siyaasadeed ay wiiqantay, hase yeeshee Saraakiisha Xarakada Alshabaab ayaa ka sheega Warbaahinada Gudaha iyo Dibada in ay wali taagan yihiin oo ay sii dagaalamayaan.
Soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya wax badan ayaa iska badalay awoodii ay lahayd Alshabaab, waxaana si joogto ah soo wajaha dagaalo toos ah iyo Duqeymo dhinaca Cirka ah iyo madaafiic kale oo kaga imaanaya goobo ka fog fog aagaga dagaalada, waxayna taasi keentay in ay dhintaan Askar badan iyo Saraakiil isugu jirta Soomaali iyo ajaanib Al-qaacida ka tirsan.
Diyaaradaha loo yaqaan Doneka ee aan lahayn wax duuliyaha ee meelaha dher wax ka duqeynaya ayaa waxay Gantaalo horay ugu dileen Macalin Aadan Xaashi Ceyrow Aas aasihii ururka Alshabaab, Saalax Cali Nabhaan oo ay Mareykanka si weyn u baadi goobayeen, Fazuul Cabdalla waxaa lagu dilay Koontarool Ex Koontarool Afgooye xili uu soo habaabay dhammaan waxay dilalkaasi raad madow ku reebtay Xarakada alshabaab in ay ku sii fidaan Guud ahaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Dadka sida weyn ula socda arrimaha Alshabaab ee aqliga u saaxiibka ah ayaa qaba in ay wiiqantay Awooda Alshabaab, taasoo ay ku sheegeen in ay soo dadajisay weerarada Cirka kaga imaanaya taasoo sahlaysa in hadba Sarkaal mas’uul u ah isla markaana xubin muhim ah u haya ururkaasi in lagu dilo duqeyn diyaaradeed ama gantaalo laga soo tuuro badda dhexdeeda.
Dowladdaha Ameerikaanka, Faransiiska iyo Kenya ayaa gacan weyn ku leh in ay fuliyaan duqeymaha Cirka, waxaana la tilmaamaa in Sanadkii tagay iyo Bilowga Sanadkan uu noqday kan ugu duqeymaha badan, waxaana cel celis ahaan Alshabaab duqeymaha cirka ku weysay in ka badan 15 sarkaal oo muhim u ahaa Xarakada Hubaysan Ee Alshabaab.
Ugu danbeyntii Xarakada alshabaab waxay caan ku yihiin dagaalada Efentariga ah, laakiin waxaa hadda laf dhabar ku ah duqeymaha cirka ah iyo Garneelada kale ee meelaha fog fog kaga imaanaya, waxayna dhammaan arrimahani soo dadajin karaan in Alshabaab ay marto wadadii ay horay u mareen ururkii Maxkamadihii Islaamka Soomaaliyeed, Xizbul Islaam oo farac ka mid ah ahaa kaasoo aaqirkii Shabaabka ku biiray iyo kooxo diimeedyo kale oo waqti calankoodu baba’anayay laakiin hadda u muuqda kuwo mugdi sii galaya, lase arki doonee xaalka halka uu ku dhammaado.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale