HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Dadka ku nool gobolka Gedo oo ka cabsi qaba weerarada dhinaca Cirka ah ee ciidamada kenya.

25.Jan.2012.HOMELAND. Dadka ku dhaqan gobolka Gedo ayaa ka baqdin qaba weeraro hawada ah oo kaga yimaada Diyaaradaha dagaal ee dalka Kenya.

Wararka laga helayo gobolkaasi ayaa sheegaya  in dadka ay ku dhibaateysan yihiin Dhulka Miyiga ah gaar ahaan dhanka Howdka ah, waxayna ka cabsi qabaan in diyaaradaha dagaal ee Kenya saamayn ku yeeshaan duqeymaha ay fulinayaan.

Duqeymaha sida arxandarada ah uga dhaca gobolkaasi dhowrkii bilood ayaa waxaa ku dhintay dad u badan Shicib qaarkood Xoola dhaqato ah.

Qoysas fara badan ayaa wali maskaxda ku haya Aabbe iyo Hooyo  degamada Julib  ee gobolka sh.Hoose oo qoys dhan ka soo haray kadib markii duqeymahaasi ay ku waxyeeloobeen Qoysaskaasi.

Sidoo kale dadkaasi rayidka ah ee ku nool gobolka Gedo deegaano ka mid ah waxaa soo wajahday xaalado Caafimaad daro ah iyo Cuduro ay ka mid yihiin Malaariyada, Jadeecada iyo cuduro kale, xili dadku ay ka cabsi qabaan duqeymaha cirka kaga imaanaya.

Ugu danbeyntii lama oga xaaladaha cabsida dadka shacabka ah ee  ku nool deegaanada gobolka Gedo halka ay ku danbeyn doonaan, waxayna arrimahaasi oo dhan ku soo beegmayaan xili Kenya ay wacad ku martay in ay sii wadi doonaan duqeymaha Cirka ee Soomaaliya.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.