Qaramada Midoobey oo dusha sare ka eeganeysa is dilka iyo Buuqa u dhaxeeya Baarlamanka KMG Soomaaliya.
25.Jan.2012.HOMELAND.Qaramada Midoobey ayaa u muuqata mid dusha sare ka eeganaysa is dilka iyo buuqa u dhaxeeya Mudanayaasha Baarlamanka KMG ee Soomaaliya, kuwaasi oo mar kale isku heysta cida ku shireysa guriga Ummadda Soomaaliyeed.
Iyadoo shalay Qaramada Midoobey gaar ahaan UNPOS xafiiskeeda ka furatay Magaalada Muqdisho waxa ay indhaha ka laabanaysaa qaska iyo kala qeybsanaanta Baarlamanka KMG Soomaaliya.
Ergeyga Wakiilka uga ah Qaramada Midoobey arrimaha Soomaaliya wali kama uusan hadlin arrintan ka socota Baarlamanka Soomaaliya dhexdiisa.
Xarunta Golaha Shacabka waxaa amaankeeda sugaya ama ilaalinaya Ciidamada AMISOM, ilaa iyo haddana lama oga waxa ay uga joojin la’yihiin Shirarkan iska soo horjeeda.
Buuqan u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya ayaa laga yabaa inuu meesha ka bixiyo dhammaan dadka hadda isku haya haddii aan wax xal ah loo helin is jiid jiidka siyaasadeed ee Baarlamanka dhexdiisa ah.