Maxaa laga filan karaa Shirka loo qabanayo Soomaalida ee uu iclaamiyey David Cameron (Warbixin).
25.Jan.2012.HOMELAND.Dowlada ingiriiska ayaa dhawan waxa ay qabaneysa shir loo qabanayo soomaalida kaas oo u iclaamiyay Ra'isul wasaaraha dalkaasi David Cameron.
Dhamaadkii sanadkii tagay ayaa Waxa soo baxay warar sheegaya indhalinyaro badan oo Soomaali iyo British ah ay ku bireen Xoogaga Al-shabaab.
Dowlada Britin ayaa sheegtay in ay maqleen qof ku hadlaya luqada Ingriiska oo alshabaab ka tirsan waxay keentay in ay iclaamiyan shirka hada loo madalsanyahay
Lama oga sida ay u arkaan dowlada KMG ah oo iyada ku jirta buuq dhexdeeda in ay ka qeyb galayaan shirka in kastoo malinti axada aheyd u Muqdisho ka dagay wakilka ingriska ee safaarada Kenya.
Somalida kuma cusba in shir loo qabto laakiin waxa cusub in dowlad ka mid ah Yurub ay marti galiso madasha shirkasi.
Ugu danbeyntii Haddii shirkasi u furmo waxa ka soo qeyb galidoona qaar ka mid maamul goboleedyada iyo Soomaali kale In kastoo somaliland aysan si cad u cadeyn mowqifka shirkasi.
Hadaba la arki doonee waxa ka soo baxa shirkasi oo ay hadda socoto qaban qaabadiisa, waxaana xasuusin naga mudan kullan shalay magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya in ay ka horyimaadeen Shirkaasi guud ahaan, kuna tilmaameen mid qorshe shirqool ah laga leeyahay.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale