Boqortooyada Sacuudiga oo markii ugu horaysay ka hadashay howlgalka Kenya ka wado Soomaaliya.
25.Jan.2012.HOMELAND.Dowladda Boqortooyada wadanka Sacuudiga ayaa markii ugu horaysay ka hadashay aragtideeda howlgalada Ciidamada dalka Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya, Xasuuqa arxan darada ah Diyaaradaha Kenya ay geysanayaan.
Khoram Saciid Malham oo ah Safiirka dowladda Sacuudiga u fadhiya dalka Kenya ayaa sheegay in dowladdiisu soo dhawaynayso sida uu yiri howgalada Ciidamada Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay in Kenya xaq u leedahay in ay difaacato dalkeeda kana hortagto cid kasta oo amaanka dalkeeda wax u dhimi karta sida uu yiri.
Waxa uu sheegay Safiirku in Boqortooyada Sacuudiga si weyn u soo dhawaynayso dagaalada iyo duqeymaha diyaaradaha dagaal ee Kenya ka fulinayaan gudaha Soomaaliya, isagoo shaaciyey in Xukuumadda Kenya ku taageerayso Sacuudiga duulaanka ay kula jirto Xarakada alshabaab.
“Gelitaanka Ciidamada Kenya gudaha Soomaaliya waan soo dhawaynaynaa waayo waxaan u aragnaa mid xal u ah Amaanka Dalka Soomaaliya” ayuu yiri Khoram Saciid Malham Safiirka Kenya u jooga dowladda Sacuudiga.
Ugu danbeyntii soo gelitaanka Ciidamada Kenya gudaha Soomaaliya waxaa horay uga hadlay dalal badan kuwaasoo aragtiyo kala duwan ka bixiyey soo gelitaankooda, waxayna dowladda Sacuudiga codkeeda ku biirisay dowladda sida weyn u taageeray howlgalada Kenya ee gudaha Soomaaliya.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale