Ciidamada Itoobiya oo xalay Bariga Magaalada Balad-weyne ku toogtay 7 wiil Dhalinyaro ah.
25.Jan.2012.HOMELAND.Kadib markii ciidamada Itoobiya in ka badan 70 ruux oo u badan dhalinyaro xalay ilaa iyo shalay ku xir xireen Saldhiga dhexe ee Magaalada Balad-weyne ayaa qaar ka mid ah dhalinyaradaasi toogasho ku dileen Ciidamada Itoobiya, markii Ciidamadaasi iyo kuwa soomaali ah qarax lagula eegtay Xarunta gobolka.
Dhalinyaradaasi ayay ka soo qabqabteen xaafadaha kala duwan, iyagoo ku eedeynaya in ay xariir la leeyihiin Ninkii Is qarxiyey ee Xarakada Alshabaab ka tirsanaa.
Wararka laga helayo magaalada Balad-weyne ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale Ciidamada Itoobiya xalay Bariga Magaalada Balad-weyne ku toogteen ilaa 7 wiil dhalinyaro ah oo deegaanka si weyn looga yaqaanay.
Dhalinyarada ay toogteen Ciidamada Itoobiya ayaa la tilmaamay in dhammaan ay guryahooda kala soo baxeen iyagoo ku jira, kadibna toogteen.
Dhinaca kale wararka aynu ka helnay Magaaladaasi ayaa heegaya in xalay fiidkii Garoonka diyaaraadaha soo cagadhigatay diyaarad Helecopter ah oo ay leedahay dowladda itoobiya, waxana halkaasi ka qaaday dhaawacyo kor u dhaafaya 68 askari iyo meydadka aan la ogayn cadadka ay la egyihiin.
Ugu danbeyntii dhalinyarada Itoobiyaanka ku dileen Magaalada Balad-weyne iyo kuwa haatan buux dhaafinaya xabsiyada magaalada ayaa ah mid gumaad iyo sharcidaro lagula kacayo shacabka reer Balad-weyne.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale