MUQDISHO: Masjid Bam-gacmeed lagu weeraray.
25.Jan.2012.HOMELAND.Dhacdo xanuun iyo uurkutaalo xambaarsan ayaa xalay ka dhacday mid ka mid ah Masaajidada ku yaala Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada Abagado degmada Dharkenley, halkaasoo bam-gacmeed lagu tuuray xili dadka ay ku jireen dukashada Salaada Ceshaha.
Inta la ogyahay oo la xaqiijiyey bam-gacmeed lagu tuuray masjid ku yaala Xaafada Abagado waxaa ku dhaawacantay 5 ruux iyadoo ruux ka mid ah dhaawacyada shantaasina saakay waabarigii hore ku geeriyooday gudaha isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho sida ay Ehelada marxuumka geeriyooday noo sheegeen.
Ragg ku hubaysan bambooyinka F1-ta ayaa la sheegay in ay ku soo tuureen Masjidka xili Ragg cada labaad ee Salaada Ceshaha ay socotay dadkuna ku jireen Cibaadada ALLE, waxayna arrinkaasi aragagax iyo cabsi xoog leh ku abuurtay dadka deegaanka iyo jameecadii ku tixnayd Masjidkaasi.
Warar is khilaafsan oo ka soo baxay masjidka Bamba lagu weeraray ayaa sheegaya in ruuxa bamka qarxiyey uu ka mid ahaa Jameecadii masjidka xili lagu jiray rukuucdana ka dhacday Bamkii kadibna qaraxday.
Warar intaasi dheer ayaa sheegaya in qaraxa uu tuuray qof ku hubaysnaa bamkaasi kadibna ka baxay goobtii qaraxa uu ka geystay ee gudaha Masjidkaasi.
Ma ahan markii ugu horaysay masaajido ku yaala magaalada Muqdisho lagu weeraro qaraxyo qasaare ka soo gaartay Jameecadaha Masaajidadaasi.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale