HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

Shabaab-ka oo ka soo horjeestay Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey ee UNPOS (BAYAAN).

26.Jan.2012.HOMELAND.Bayaan kasoo baxay Xarakada Alshabaab ee gabalkoodu uu sii dhacayo oo ku qornaa Luqadda Ingiriiska ayaa wax is kulul loogu cambaareeyay Xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay UNPOS ee dhawaan laga furay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoo xarakadu ay sheegtay xafiiskaasi inuu sii kala fogeynayo Xal u helida Arrimaha Soomaaliya.

Warsaxaafeedka ayaa lagu sheegay in sababta Xafiiska UNPOS looga furay Magaalada Muqdisho ay tahay sidii loo sii kala fogeyn lahaa Umadda Soomaaliya islamarkaana Xafiiskaasi u jeedkiisa uu yahay baahinta waxyaabaha aan danta ugu jirin shacabka.

Sidoo kale Warsaxaafadeedka ayay ku sheegeen Kooxda Al Shabaab in Xafiiska Qaramada Midoobay ee laga furay Xarunta Xalena ee Magaalada Muqdisho iyo kuwa kale ee iminka la qorsheynayo in laga furo ay tahay hagar daaminta shacabka Soomaaliyeed islamarkaana looga soo horjeedo xornimadoodu.

Shacabka ayay ku booriyeen inaysan marna taageerin Xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee UNPOS, iyadoo sidoo kale loogu baaqay shacabka inay kasoo horjeestaan xafiisyada kale ee la doonayo in laga furo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweeyay Xafiiska UNPOS ee laga soo raray Kenya islamarkaana laga furay Muqdisho, iyado taasi ay guul ku tilmaameen dad badan oo falan qeeya siyaasadda Soomaaliya

 Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.