GUUXA DADWEYNAHA: “Dhibku Sanooyin badan buu nagu qaatay haddase nabad bay dantu na baday ”.
26.Jan.2012.HOMELAND.Wixii ka danbeeyey soo gelitaankii Ciidamada Itoobiya gudaha Soomaaliya sanadkii 2007-dii waxay caasimada magaalada Mudisho iyo gobolada kale ee Koonfurta Soomaaliya ay noqdeen aag dagaal oo ay ku hardamaan Ciidamadii Xabashida oo garab siinayay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo xoogagii Muqaawamada oo barigaasi ahaa maxkamadihii Islaamka Soomaaliyeed.
Dadku waxay noqdeen kuwo dhib iyo dagaal joogto u noqday, Caasimaadii waa la beenyey oo dadku maciin bideen in ay ku noolaadaan duleedka iyo gobolada kale ee Soomaaliya, waxayna dadku ka quusteen in ay mar uun arkaan Caasimadii Muqdisho oo nabad ah qoys waliba gurigii uu horay u daganaa dib ugu laabto.
Sanooyin badan oo ay qateen dagaalada waxaa burburay Maxkamadihii Islaamka Soomaaliyeed sida qof waliba uu ogsoon yahay, waxaana soo baxay kooxo diimeedyo magacyo badan watay, ilaa ugu danbey ururka Alshabaab oo hadda u muuqda awood sii licaysa masraxa Siyaasad diimeedka ku soo haro.
Dhawaan is badal lama filaan ah ayaa waxa uu ka dhacay caasimada Magaalada Muqdisho markii ururkii Alshabaab ee agaga dagaal kaga jiray Muqdisho ay baneeyeen, waxayna taasi abuurtay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya fursad u helaan in ay gaaraan Suuqa Xoolaha oo cirifka Bari ee Muqdisho.
Dadku waxay bilaabeen in ay dib u soo laabtaan si ay u dayactirtaan guryahooda oo muddo ay ka maqnaayeen, qaarkood burbur aad u xoogan ayaa ka muuqda sidaasi ay tahay waxay dadku u muuqdaan kuwo ka daalay dhibka dagaalada, haatana u soo jeestay in ay helaan nabad ay ku noolaadaan waana tan ugu weyn ee Is badalka dib u dhiska iyo dib ugu soo laabashada xaafadaha Muqdisho ee iminka sii kordhaya.
“Dhibku Sanooyin badan buu nagu qaatay haddase nabad bay dantu na baday ” waxaa sidaasi ku guuxayay C/dulle Aw-Cali oo ka mid ah dadka da’da ah ee dhaawaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib muddo 6 sano ku dhawaad oo uu barakac uga maqnaa Caasimada Magaalada Muqdisho.
Ugu danbeyntii lama oga xaalada magaalada Muqdisho sida ay isku badali doonto, laakiin marka aad eegto guuxa dadweynaha ayaa ah mid ka muuqanaya ififaalo ay ku doonayan in ay helaan nabad ay ku naaloodaan “Nabadu waa Nolol, Nabad la’aantu waa Nolol la’aan”.
Homelandmedia.net
Homelandmedia@hotmail.com
Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale