HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Wararkii ugu danbeeyey dagaalo culus oo ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

26.Jan.2012.HOMELAND.Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan dagaalo culus oo shalay iyo xalay ka dhacay agagaarka degmada luuq ee gobolkaasi Gedo, waxaana la sheegay in dagalkaasi u dhaxeeyey Ciidamo ka tirsan Alshabaab iyo Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo ah weliyaan Ahlusunna Waljamaaca.

Daryanka hubka culus ayaa laga maqlayay xaafadaha Degmada Luuq intii ay socdeen dagaaladaasi, iyadoo weerarka dagaalka ay soo qaadeen Ciidamada Xarakada alshabaab, waxa uuna dagaalku geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay in ay iska daafeceen ciidamadii soo weeraray sida uu hadalka u dhigay, isla markaana goobtii la soo weeraray iyagu ku sugan yihiin.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Xarakada alshabaab oo ku saabsan dagaalkii xalay ka dhacay deegaan ku dhow Magaalada Luuq ee gobolka Gedo.

Ugu danbeyntii dagaalkaasi ayaa imaanaya xili dhanka kale shalay qarax miino gudaha degmada Balad-xaawo lagula beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu dhaliyey qaraxaasi khasaare dhawac ah oo soo gaaray Ciidamada dowladda KMG ee qaraxaasi loo dhigay.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.