HomelandMedia.net

Warar Sugan Kala Soco Daafaha Dunida

 

 

 Iska hor’imaad hubaysan oo ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Balad-weyne.

26.Jan.2012.HOMELAND.Iska hor’imaad geystay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Xaafada Howlwadaag magaalada Balad-weyne, kaasoo dhex maray Maleeshiyo hubaysan iyo Ciidamada maamulka Dooxada Shabelle.

Wararka naga soo garaya Magaalada Bald-weyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay iska hor’imaad hubaysan dhex maray ciidamada maamulka Dooxada Shabelle oo la sheegay in ay farta farteysi ka wadeen Goobo ganacsi iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo ka carooday arrinkaasi farta farteyska ah ee ay ku kaceen Ciidamada Dooxada Shabelle.

Iska hor’imaadkaas ayaa ka dhacay Xaafada Howlwadaag oo ay dhawaan la wareegeen Ciidamada Itoobiya waxa uuna sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca ruux kale, waxayna dhammaan dadkaasi ahaayeen ciidamada maamulka Dooxada Shabelle.

Wararka waxay sheegayaan in halkaasi laga ceyriyey ciidamada maamulka Dooxada shabelle ee dhaca u geysanayay goobaha ganacsiga ee ku yaala Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Balad-weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Maamulka Dooxada Shabelle kama aysan hadlin farta farteyska Ciidamada Maamulka dooxada shabelle ka geysteen Xaafadaha qaar magaalada balad-weyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Waa markii ugu horaysay ciidamada Dooxada shabelle ee dhawaan la wareegay magaalada Balad-weyne dhac ka geystaan goobo ganacsi oo ku yaala xaafadaha magaaladaasi.

Homelandmedia.net

Homelandmedia@hotmail.com

 Homelandmedia.net Warbaahin laga xigto dunida dacaladeeda meel kasta oo aad ka joogto, kala soco wararkii iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.