
Oday dhaqameed “Haddii shabaab badaleen Calankii, Qaar ka mid ah Xaafadaha Magacyadoodii, Xadkiina ay ku sheegeen meel ka baxsan Soomaaliya waayaabe halkee shabaab noo wadaan..” (Guuxa dadweynaha).
Muqdisho.28.Feb.2010.Kadib markii ay soo if baxeen kooxda Al-shabaab isla markaana ay qabsadeen qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya waxa ay sureen Calan Madow oo dhexda uga qoran tahay Asha haatinka taas oo ay ku sheegeen in ay tahay Astaan ay leedahay Ururka Al-qaacida lana wadaagayaan.
Al-shabaab intaas ugama aysan harin laakin waxay ku kaceen in Saraakiishooda ay la baxaan Magacyo la mid ah kuwa Ururka weyn ee Al-qaacida iyagoona sheegay in Amiirkoodu yahay Sheekh Osama Bin Laden, halkii amiirkii midowgii maxaakiimta Islaamka oo hadda ah Madaxweynaha Dowladda KMG ee ka doorbideen Osama Bin laden in uu yahay Amiirkooda, isla markaana ay tahay waxyaabaha Shabaabka badaleen.
Waxaa xaqiiqo ah oo aan shaki ku jirin in Soomaaliya uu ka maqan yahay dhul badan si kasta haku maqnaadee laakiin qaabka ay ku doonayaan shabaabka ayaa ah qaab shaki geliyey wadamada heysta dhulalkaasi, iyagoona sheegay in meelo ka baxsan Soomaaliya ku yaalo xadka lagu aqoonsado dal walba.
Iyadoo ay jiraan arrimahaasi isla markaana dad badan fikradahaasi is badalka ah layaab ku ahayd ayay mar qur ah saxaafada ka maqleen Magacyadii ay caanka ku ahayd xaafadaha Magaalada Baydhabo oo ururka Al-shabaab ugu waqlaleen magacyo cusub oo dad badani shaki geliyey, waxaana ka mid ah xaafadaha magacyada laga badalay.
Xaafadda Mursal ayaa waxaa loo bixiyay (Bukhaari), Xaafadda Isha Baydhabo ayaa waxaa loo bixiyay (Abuu-Muscab Al-Zarqaawi), Xaafadda Bardaale ayaa waxaa loo bixiyay (Axmed Gurey), iyadoo xaafadda Horseed loo bixiyay (Salaaxuddiin Al-Ayuubi) dhammaan xaafadahaasi oo magacyada laga badalay ayaa waxay qeyb ka noqdeen is badalka ay ku samaynayaan Dalka Soomaaliya ururka Al-shabaab, waxaana suuragal ah in Magaca Soomaaliya ay badalaan.
“Haddii shabaab badaleen Calankii, Qaar ka mid ah Xaafadaha Magacyadoodii, Xadkiina ay ku sheegeen meel ka baxsan Soomaaliya waayaabe halkee shabaab noo wadaan waaba yaabe waxay ila tahay mida xigi doonta in ay tahay badal lagu sameeyo Magaca Soomaaliya..” ayuu ku guuxay mid ka mid ah Odayaal dhaqameedyada dalka Soomaaliya kaasoo da’diisu aan ku qiyaasnay 82-jir waqti badan ku soo qaatay Dalka Soomaaliya, waana Guuxa dadweynaha Muqdisho.
Ugu danbeyntii arrimaha aan kor ku soo sheegnay ayaa badankood ay dhaqan geliyeen shabaabka laakiin kuwo badan oo ay isku dayeen ayaan wali u dhaqan gelin, iyadoo arrimaha kale looga baaqsan karo dadaalo ay sameeyaan wax garadka Soomaaliyeed si looga baxo dhibka sii jiitamayo wali.
Homelandmedia.net waa Horseedka wararka Soomaalida la soco maalin kasta