HomelandMedia.net

Hoyga wararka ku saleysan xaqiiqada

 

 

Blog Home - Blog Archive
 
Salaamu caleykum, waxaa halkaan idinka salaamya maamulka shabakada Homelandmedia salaan kadib waxaa aqristayaasha  ugu bishaareyneynaa in aan idiin sameyney qol aad ku sheekeysan kartaan iyo waliba isku dhaafsan kartaan waxii aqbaar cusub ah, iyo sidoo kale dood u furan cid walba.
sida aad u isticmaali kartaan Blogaan waa sidan, waxaad qoreysaa magacaaga iyo Emailkaaga intaa kadib  waa adiga iyo waxa aad rabto in aad ka hadasho.
fariin. qoraaladu waa in ay a haadaan kuwo kusaleysan anshaxa iyo asluubta

 


Tuesday, August 19, 2008

 

Mahad Cabdi UK
Tuesday, August 19, 2008 @ 11:09 pm
salaama Homelanmedia, anigu waxaan ku talin lahaa in ilaahay loo soo laabto wadankii soomaaliya waxuu noqdey goob lagu daadiyo dhiiga qofka islaamka ah, taasna waxuu Ilaahay kayiri "dhiiga hal ruux oo islaam ah waxay lamid tahay iyadoo la bur buriyey kacbada" waxaana hada soomaaliya ka socota dhiig aan joogsi lahayn.

Homelandmedia: waan idin salaamay salaan kadib anigu waxaan qabaa  in aan waqtiga la isaga qaadin heshiis amxaaro iyo mid dhabadhilif toona, itoobiya waa cadaw cadawna waxa kaliya uu yaqaanaa waa iska calin marka anigu waxaan dhihi lahaa halganka halawado inta gumaysiga laga xoreynayo dalka.

CALI COSOBLE UK.

salaama homelandmedia: hadaan fikirkayga ka hadlo dalka soomaaliyeed waxa uu dagaal ku soo jiray mudo aad u dheer waxaana bur buray dhamaan dalkii aan naqaanay waxaa sidoo kale dhintay malaayiin soomaaliya  qaar ay xabad dishay iyo kuwo kale oo macluul ugu geeriyoodey, anigu waxaan oran lahaa dagaalka iyo wadahalku kalama haraan.

MAXAMED CARAALE NAIROBI

 

Homelandmedia aad baad ugu mahadsan tihiin forum kaan aan noo furteen si aan ugu munaaqishoono arimaha wadankeena maanta wiiqay iyo sidii looga bixi lahaa .good job keep it up

JAMAAL TORONTO 

 


posted by homelandmedia@hotmail.com at 5:02 pm - 1 comments
amal said... Wednesday, August 13, 2008 @ 4:27 am
dhamaan waad salaaman tihiin hadii aan isku dayo inaan wax yar ka dhaho arimaha ka socda wadankeena somaaliyeed hadii aan isku dayo inaan ka jawaabo su\'aasha ah heshiiska jabuuti muxuu soo kordhin karaa? jawaabtu waa waxba. Kani ma aha shirkii ugu horeeyay ee la isku dayey in Somaali lagu heshiisiiyo waxii ka soo baxayna dhamaanteen waan la soconaa shirkana waxa uu ku dambeeyn doonaa sidii kuwii ka horeeyay .



HOMELANDMEDIA.NET

© Copyright 2006 RealWeb Enterprises Ltd.
all rights reserved